Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo tagay Buuhoodle

Buuhoodle(pp) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta oo Khamiis ah tagat magalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn.

Ujeedka socdaalkiisa Buuhoodle oo ay ku weheliyaan xildhibaano baarlamaanka ka tirsan iyo qunsunka Itoobiya ee Puntland ayaa salka ku haya geeridii ku timi allaha u naxariistee hooyadiisa Faadumo Xuseen Xayle oo ku dhimatay wadanka Hindiya.

Mamulka Gobalka Cayn, mamulka degmada Buuhoodle,salaadiin iyo dadwayne kale ayaa soo dhaweynta Camay ka qayb galay.
Inta uu madaxwayne ku xigeenka ku sugan yahay magalada waxa uu sidoo kale u guur gali doonaa xaalada degmada.

Hoos ka daawo.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=msIdUDM4yiY&w=800&h=450]
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com