Nairobi-(PP)-Boliiska Kenya ayaa baadi goob ugu jira dableey lala xiriirinayo Al-shabaab oo shalay galinkii dambe weerar ka geysataya Mkunumbi oo ka tirsan gobolka xeebta , kaasoo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Kooxo hubeysan oo aan heybtooda si wanaagsan loo xaqiijin ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaari kuwa xamuulka qaada ah oo Dawo u siday Lamu, halkaasoo uu ku geeriyooday ugu yaraan labo qof qof halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in gaari ay booliska leeyihiin oo howlgallo rondo ah ku jiray lagu waayay dhacdadaasi.
Taliyaha booliska ee Gobolka xeebta dalka Kenya Francis Wanjohi ayaa sheegay in weerarkaasi uu abbaare 6-di maqribnimo ee shalay ka dhacay deegaanka Mkunumbi oo u dhow magaalada Mpeketoni.
Mr;Wanjohi ayaa sheegay in weerarkaasi lala eegtay gaari xammuul ah oo ka ambabaxay magaalada Mombasa kuna sii jeeday magaalada Lamu, isla markaana toogasho lagu dilay mid ka mid ah dadkii la socday.
Illaa iyo hadda si rasmi ah uma cadda cidda ka dambeysa weerarkaasi, hase ahaatee Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallama ayaa horay dusha ugu ritay weerarro noocaan ah oo gobolkaasi ka dhacay kal hore.
Bishii June ee sanadkii 2014-kii ayey ahayd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ugu yaraan 65 ruux ku dileen weerarro ka dhacay magaalada Mpeketoni ee ka tirsan Lamu.
Sooyaal;PP