B/weyne-(PP)-Waxaa xilligan deggen xaaladda galbeedka magaalada B/weyne markii ay soo kala dhex galeen cutubyo ka socda ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika.
Labada malleeshiyo ayaa la sheegayaa iney kala guranayaan maydka iyo dhaawaca ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ee xalay iyo saaka,kuwaasoo la kululaa kuwii dhacayay maalmihii lasoo dhaafay.
Goordhow oo manta ah ayaa lagu wadaa iney galbeedka magaalada u tallaabaan wafdigii ka baxay Muqdisho iyo cuqaasha gobolka si loo sii dhammays tiro hawsha wada xaajoodka ee ay ka dhex wadaan beelaha isku fara saaray xaafadda hawlwedaag ee magaalada B/weyne.
Dowladda federaalka ayaa ka cayaaraysa door aad u weyn sidii loo soo af-jari lahaa colaadda halkaasi ka aloosan,iyadoo mas’uuliyiinta ugu sar sarraysa ay ku baaqeen marar dhowr ah in shuruud la’aan lagu joojiyo xabadda,isla xisaabtan dhab ahna ay wajihi doonto ciddii yeelata mas’uuliyadda dagaalka.
Sooyaal;PP