Boliiska London oo baadi goobaya gabdho Soomaaliyeed

London-(PP)-Gabdhaha la raadinayo ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Abir Saalax oo 16-jir ah, Axlaam Saalax oo 15 jir ah iyo Fardowsa Xasan oo 13-jir ah, kuwaasi oo degganaa Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga magaalladda London.

 
Afhayeen u hadlay Bileyska Scotland Yard ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay inay weli baadigoobayaan gabdhahan Somalida ah, kuwaasi oo la waayey dhowr maalmood ka hor.

 
Boliska Britain waxay sheegeen inaysan filaynin inay hablahaasi ka dhoofeen dalka Britain, waxayna qaar ka mid ah saraakiisha laamaha ammaanka rumeysan yihiin inay ku dhex jiraan Basaska ama goobaha kale ee shabakadda gaadiidka.

 
Fardowsa iyo Abir ayaa la sheegayaa in la la’aa tan iyo bishan December lixdeedii, halka Axlaam la waayey 12-kii bishan aynu ku jirno.

 
Waalidiinta Gabdhahaasi ayaa la sheegay inay ka walaacsan yihiin maqnaanshaha ubadkooda oo aan meel lagu sheegin, waxayna ugu baaqeen gabdhahooda inay sida ugu dhaqsaha badan ula soo xiriiraan haddii ay bed qabaan.

 
Sooyaal;PP