Baaq nabadeed oo ay Muqdisho ka soo saareen beelihii ku dagaallamay B/weyne

Muqdisho-(PP)-Qaar ka mida hoggaanka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa maanta kulan lagu xallinayo dagaalka ka dhacay B/weyne ku yeeshay magaalada Muqdisho.

 
Kulankan oo ay ka qayb galeen xubno miisaan ku leh cuqaasha degaanka ay wax ka dhaceen oo metelayay garabyada ay xurgufta ka dhaxayso iyo dhex-dhexaadiyayaal ayaa dhammaantood waxay isku raaceen inaan la ridin tacshiirad dambe oo ah mid colaadeed,markii ay dhowr goor jebiyeen xabbad joojin la gaaray.

 
Ugaas C/raxman Ugaas C/llahi Ugaas Maxamed oo meyelaya mid ka mida garabyada is haya ayaa aad u  soo dhaweeyay Shirka muhiimka ah oo ay  isugu  yimadeen beelaha walaalaha ee dirirta ku dhexmartay Magaalada Baladweyene.

 
“Anigoo ah Ugaaska Beesha Gaaljecel waxan ku dhawaaqayaa in aan qaadannay heshiis xabbad Joojin ah iyo nabad,waxaan faraya dhammaan dadka ku dagaallamay B/weyne in ay dagaalka Joojiyaan ,maanta waxaa caddeyneynaa in beesha dhibka na dhexmaray aan islaqaadannay heshiis xabbad joojin, xabadda in la Joojiyo oo maleeshiyaadka la ka la qaado ayaan isku raacnay, waana Fulineynaa howshaas”ayuu yiri Ugaas C/rxman.

 
Islow Cismaan Shiikh Xasan,wakiilka Wabarka Beesha (Ibraahim mowkaal) Jajeele ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska xabbad Joojinta iyo nabadda ay isla qaateen Beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay Baladweyne.

 
“Waxannu si niyad ah u soo dhaweynay heshiiska xabbad joojinta ah ee aynu wada gaarray , halkan waxaa fadhiya Ugaaska aniguna waa wakiilka Wabarka,waxaynu si cad u sheegeynaa ineynu qaadannay nabadda, waxanan ku dhawaaqnay heshiis xababd Joojin ah” Ayuu Yiri Isloow Cusmaan Sheekh.

 
Shirkan oo uu abaabulkiisu lahaa hoggaanka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa maalmanaba waxa uu ka soconayay magaalada Muqdisho,iyagoo kulankii maantana laysugu keenay xubno ka socda labada beelood oo halkaa isku marxabbeeyay,waxayna si wada jira u direen baaq nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda B/weyne.

 
Sooyaal;PPoday6oday8oday7oday5oday4oday3oday2oday1