B/weyne-(PP)-Waxaa saaka deggen xaaladda magaalada B/weyne,markii ay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ku guuleysteen iney xabbad joojin kala dhex dhigaan garabyadii is hayay.
Ciidamada dagaallamay ayaa lagu wadaa in maanta la kala guro,waxaana soconaya dedaallo lagu doonayo in laysku soo hor fariisiyo wax garadka beelaha diriray si ay ugu wada hadlaan waxyaabihii dhaliyay gacan ka hadalka soo laa laabtay.
Guddoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay inay ku guuleysteen in la bakhtiiyo tacshiiradda wuxuuna sheegay inay tallaabo ka qaadayaan cid kasta oo ku xad-gudubta xabbad joojinta, isla markaana ay ku kormeeri doonaan labada dhinac dhaqan gelinteeda.
Sheekh xuseenayaa intaa raaciyay inuu socdo dedaal maamulka gobolka uu wado, kaasoo ku aaddan, sidii hubka uu shacabku haysto ay gacan nabadeed u gelin lahaayeen, isagoo xusay in dhawaan la sameyn doono howl gal hub ka dhigis ah.
Madaxweynaha Soomaaliya,xildhibaanno ka tirsan golaha Baarlamanka dalka, Siyaasiyiin,culimaa’udiin,duubabka dhaqanka iyo wax garadka gobolka ayaa siddeed iyo Afartankii saac ee la soo dhaafay ku baaqayay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalka B/weyne,iyagoo dedaallo dheer u galay in la qaboojiyo xaaladda magaalada B/weyne.
Sooyaal;PP