Wafdi ka socda federaalka oo Beledweyne u tagay xallinta colaad beeleed halkaas ka taagan

Beledweyne (PP) — Wafdi heer wasiir ah oo ka socda xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha mamulka Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, si ay u xalliyaan xaaladda ka aloosan magaalada B/weyne.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa waxay durbaba guda galeen hawlaha ay dowladda dhexe u soo igmatay ee qaboojinta colaadda halkaasi ka jirta.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay gacan ka geysan doonaan xasilinta xaaladda, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay isu tanaasulaan, isla markaana u turaan shacabka, xabaddana la joojiyo.

Wafdiga ayaa haatan kulamo kula leh odayaasha iyo waxgaradka magaalada, iyadoo horay u sii ambaqaaday dedaalladii nabadeed ee ay wadeen duubabka dhaqanka, iyadoo xalay lagu guuleystay in waxaana xalay lagu guuleystay in xabad joojin la kala demiyo xabbadda si fursad loogu helo in la furo albaabbada wada xaajoodka.

Sidoo kale wafdiga ka socda Galmudug ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan cuqaasha labada dhinac, si ay isugu soo jiidaan garabyada is haya horseedna ay ugu noqdaan degganaansho ka dhalata carriga Hiiraan.

Wafdigan ka socda xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaanan la ogeyn waxa uu ka beddeli karo mowqifka uu taagan yahay dhinac ka mida garabyada is haya,kaasoo dhowr jeer ooh ore ku gacan saydhay waan-waan ay u soo bandhigeen duubabka dhaqanka,wax garadka iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Sooyaal;PP