DUBAI-(PP)-Sucuudiga ayaa manta diyaarisay liiska waddamada xubnaha ka ah isbaheysiga dalalka Islaamka ee la dagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada, kaasoo ay ku jiraan 34 dowladood,kaasoo ay dhex muuqato Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda difaaca ee Sucuudi carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaciyey dhismaha isbaheysigan xilli uu booqanayay dalka isu tagga imaaraadka carabta,kaasoo ay ku jiraan qaar kamid ah dalalka Islaamka ee Qaarada Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya.
Pakistan, Turkiga iyo Masar, oo ah waddamo leh quwad ciidan ayaa safka hore kaga jira is-bahaysigan,balse waxaa laga reebay in lagu soo daro dalalka Iiran, Ciraaq, Syria iyo Afghanistan.
Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in xoogga ay saari doonaan dagaalka lagula jiro Daacish, wuxuuna intaa raaciyay in ay cududdoodu mideyn doonaan halka uu haatan dal waliba goonidiisa ula diriro,iyadoo xarunta Isbaheysiga laga dhisi doono magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sucuudiga.
Dowladaha la diiwaan geliyay ee xubnaha ka ah Isbaheysiga ayaa waxay kala yihiin Sacuudi carabiya, Baxrayn, Bangladesh, Benin,Jaad,Komooros,I very coast, Jabuuti, Masar, Gaabon,Geni,Jordan, Kuwait,Lebanon,Libya,Malaysia,Maldives, Mali,Marooko, Mauritania, Niger, Nigeria, Pakistan, Falastiin, Qatar, Senegal, Sierra Leone, Somaliya, Suudan, Togo, Tuunisiya, Turkey, Imaaraatka iyo Yemen.
Soomaaliya ayaa kaga duwan waddamada xubnaha ka ah is-bahaysigan tayada ciidan qalabka iyo tababarrada,waxaana laga yaabaa iney ka hesho dowladaha ay ollogga cusub kula tahay la dagaallanka argagixisada iney ka hesho cudud ayan horay ugu tashan, maaddaama uu dalku saaran yahay cuna qabatayn dhanka hubka ah tan iyo sanaddii 1992-dii.
Sooyaal;PP