Geneva-(PP)-Qaramada midoobay laanteda qaxootiga ayaa wax laga murugoodo ku tilmaantay dilka loogu geystay Muqdisho Allaha unaxariistee Aaamina Nuur maxamad iyo darawalkeedii Abdirizak Aadan Caddaawe oo rag hubeysani ay ku dhex dileen gaari shalay gabbal dhacii.
Marxuumad Aamina Nuur ayaa u shaqeenaysay xafiiska UNHCR ee Muqdisho tan iyo sanadkii 2011-kii , waxayna ifka kaga tagtay laba carruur ah,waxayna hay’addu sheegtay iney xiriir la sameeyeen qoyska ay ka dhalatay gabadhan,isla markaana ay aad u caawin doonaan.
António Guterres oo ah Madaxa UNHCR ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehalada Aamina iyo Abdirizak isagoo ku sifeeyay dilkooda mid xasuusinaysa inay wali muuqato dhibaatada ay la kulmayaan shaqaalaha arrimaha gar-gaarka kashaqeeya,waxaana manta oo talaada ah magaalada Geneva loogu samayn doonaa xus gaaban.
Ergeyga qaramada midoobay ee Soomaaliya Nickolas Kay iyo Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaalia Michele Cervone Durso ayaa wax murugo leh ku sheegay dilka shaqaalaha gar-gaarka loogu geystay Muqdisho.
Sooyaal;PP