Musaveni oo Afrika ugu baaqay iney xalliyaan muran dhuleedka Soomaaliya iyo Kenya

Abu-dhabi-(PP)-Madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Musaveni ayaa u soo jeediyay ururka Midawga Africa inay soo fara geliyaan arrinta la xariirta muranka dhanka xaduudda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya inta xal looga helayo.

Yuweri Musaveni oo ka qayb galayay shir looga hadlayo horumarinta waddamada ay dagaallada aafeeyeen oo lagu qabtay dalka isu tagga imaaraadka carabta ,ayaa carrabka ku ballaariyay inuu midowga Afrika ku eedeysan yahay ka seexashada muranka labada dal.

Wuxuu sheegay Mr;Musaveni inuu waligeedba jiray dagaal qabow oo dhanka xadka ah oo u dhaxeeya labada dal,kaasoo keenay inuu is faham waa yimaaddo,balse waxa uu ku taliyay iney is xushmeeyaan oo ay dhowraan derisnimada iyo saxiibtinimada ka dhaxaysa.

“Dagaalka qabow ee xaduudda la xariira ee Soomaaliya iyo Kenya waa soo jireen waxaanan ku baaqayaa in labada dawladoodba ay is xaq-dhawraan” ayuu yiri M/weynaha Uganda.

Sidoo kale Yuweri Musaveni waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in dawladda Soomaaliya laga taageero dib u dhiska ciidamadeeda,si loogu diyaarsho inay amaanka xaduudaheeda sugaan, taasoo iyana xal u noqon karta muranka labada dal.

Muranka ku saabsan xadka oo ahaa mid dahsoon ayaa waxa uu sii xoogeystay markii dawladda Kenya ay sheegtay inay darbi ka dhisayso dhulka kala bara labada dal,taasoo keentay iney Soomaaliya u dirto guddi xaqiiqo raadin ah oo aan weli natiijadii ka soo baxday baaritaankooda laysku waafaqin.

Sooyaal;PP