Dowladda Maraykanka oo ka digtay weerarro ay Al-shabaab ka geysato Kenya

USA-(PP)-Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa digniin ka soo saartay weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi, inta lagu guda jiro shirka looga hadlayo ganacsiga Adduunka ee maanta halkaasi ka furmi doona.

Wufuudda Mareykanka ee ka qeyb galeysa shirkaas,iyo muwaadiniintooda ayaa sidoo kale la faray inay feejignaan sameeyaan,maaddaama kooxaha weerarada ka geysta dalka Kenya ay fursad u tahay inay beegsadaan mas’uuliyiinta shirka imanaysa.

“Goobaha dadweynaha ay ku badan yihiin iyo shirka heer wasiir ee ururka ganacsiga dunida waxay noqon karaan kuwo ay beegsadaan kooxaha argagixisada,muwaadiniinta  Mareykanka waa iney feejignaan dheeri ah sameeyaan”ayaa lagu yiri qoraalka waaxda arimaha dibada Mareykanka.

Digniintan oo soconeysa ilaa 22-ka bishan December, ayaa waxa kale waxaa qeyb ka ah weerarro suura gal ah in Al-Shabaab ay ka geysato Hotellada ku yaal Nairobi iyo goobaha ganacsiga ee Kenya,kaasoo noqon kara baa la yiri mid la mida kii lagu qaaday  Westgate Mall.ee qasaaraha badan dhaliyay.

Laamaha ammaanka kenya ayaa la geliyay heegan aad u sarreeya ,markii la shaaciyay in lagu qabanayo markii u horeysay shirka ganacsiga Adduunka,iyadoo ay durbaba halkaa gaarayaan madax ka kala socota caalamka oo kulankaasi lagu casuumay.

Sooyaal;PP