Xildhibaan ku eedeeyay dowladda federaalka inay ka seexatay colaadda Beledweyne

Muqdisho-(PP)-Xildhibaan Cabdulqaadir Sh. Xanafi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Shabeellada dhexe ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaallamaya magaalada Beledweyne in ay joojiyaan xabadda wixii khilaaf ah ee jirana ay ku dhameeyaan wadda -hadal.

 

Mudane Shaafi ayaa u soo jeediyay waxgaradka labada beelood ee diriraya in ay caqliga kaashadaan, maaddaama is dilku qasaare badan mooyee uusan wax faa’iido ah lahayn.

 

Dhinaca kale xildhibaan Xanafi ayaa ku eedeyay dowladda Somalia, gaar ahaan wasarrada arrimaha gudaha iyo federaalka in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada dagaallada maalintii labaad ka soconaya magaaladda Beledweyne, iyadoo la og-yahay ayuu yiri juhdiga iyo dedaalkii  faraha badnaa ee ay ku bixisay dagaalladii dhawaan ka dhacay Gaalkacyo.

 

Xildhibaanka ayaa uga mahad celiyay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan sida ay mar walba nabadda ugu taagan yihiin, isagoo ka codsaday in ay xoogga saaraan sidii loo dhameyn lahaa colaadda beelaha walaalaha ah ee soo laalaabatay.

 

Hadalka mudane xanafi ayaa imanaya iyadoo sidoo kale uu Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono) ugu baaqay dowladda dhexe iney guddi u dirto dagaalka halkaasi ka soconaya maaddaama uu iyadu xil ka saran yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sooyaal;PP