Muqdisho-(PP)-War saxaafadeed manta laga soo saaray xafiiska wasaaradda arrimaha dibedda iyo dhiirri gelinta maal-gashiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney dowladda federalka soo dhoweynayso 55-guuradii ka soo wareegatay markii uu billowday xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku began 1960-kii.
Waxaa qoraalkan warbaahinta loo qaybiyay lagu sheegay in labada dal ay wadaagaan xiriir taariikheed oo qoto dheer iyo aragti mideysa ka guul gaaridda horumarka iyo barwaaqada oo ku dhisan xushmad wadaag iyo iskaashi hiigsi leh .
Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkan iney farxad u tahay taageerada joogtada ah ee Shiinaha iyo dedaallada dib loogu dhisayo dslka iyadoo sidoo kalena ay Shiinuhu ka mahad celinayaan xuska ay Soomaaliya u samaysay manta iyo sida ay ugu weyn tahay..
“Maalintani taariikhda leh , Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la dabaal degeysaa China , hore-usocod horumar leh, waxaanu raadineynaa wax wadaagid si loo gaaro horumar joogta ah iyo iskaashi dhaqaale oo guul leh’’ayaa lagu yiri war saxaafadeedkan.
Shiinaha ayaa Soomaaliya ka fuliyay mashaariic aad u fara badan,kuwaasoo ay ka mid yihiin waddadooyin waaweyn,golaha murtida iyo madadaalada qaranka iyo garoonka kubbadda cagta iyo meelo kale oo dhammaantood ah meelaha ugu bilicda badan dalka.
Sooyaal;PP