Shaqaale ka tirsanaa qaramada midoobay oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-(PP)-Waxaa maqribnimadii caawa lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka waddada Maka Al-mukarrama Aamina Nuur Maxamed oo ka tirsanayd hay’adda qaramada midoobay u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR iyo nin la socday oo magaciisa lagu sheegay C/rizaaq Aaden Caddaawe.

Dableyda falka geysatay oo durbadiiba meesha ka baxsatay ayaa wadatay gaari nooca raaxada,iyagoo rasaas huwiyay baabuur yar oo ay wadatay marxuumadda markii ay ku hor gooyeen.

Ma jirto cid illaa iyo haatan sheegatay dilka labadan ruux iyo hadal ay dowladda ka soo saartay toona, lamana oga sababta dhabta ah ee loo dilay.

 

Sooyaal;PP