B/weyne-(PP)-Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimmaaddeen Ugaasyada,Wabarrada,Salaaddiinta,iyo sama doonnada gobolka Hiiraan kana dhacay magaalada B/weyne ayaa laga soo saaray baaq nabadeed loo jeedinayo beelaha ku dagaallamaya magaalada ,iyagoo faray iney si deg deg ah oo aan wax shuruuda la socon ay ku joojiyaan xabbaddda.
Ugas Cali Ugas Xasan Ugaas Raage oo ka hadlay dagaalka uu dhiigga badan iney hakiyaan gacan ka hadalka,isagoo codsaday in la kala qaado ciidamada is hor fadhiyo isla nmarkaana gurmad loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay iska hor imaadka.
Suldaan Maxamed Suldaan Muuse Lugo Loox ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay kala dhexgasho dadka ku diriraya Baladweyne,isla markaana ay ka qaadato doorkeeda kaga aaddan,isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay in madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaaraha ay gebeen doorkoodii kaga beegnaa arrinta B/weyne.
Islow Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi ayaa ku ku dhawaaqay in uu dhigayo gogol nabadeed una fidinayo beelaha walaalaha ee ku dagaallamay Baladweyne,wuxuuna intaa raaciyay iney baaqa nabadda ee ay sidaan ka guddoomeen Wabarka beesha Jajeele iyo Ugaaska Gaaljecel balse dhanka dowladda laga doonayo iney waajibaadkooda gutaan.
Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee ay jeedinayaan duubabka dhaqanka,cuqaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeedda gobolka Hiiraan,iyadoo ay jiraan ballan qaadyo ka imanaya dhinacyada ay dirirtu ka dhaxayso,waxaana taasi bar-bar soconayaa diidmo qayaxan oo mararka qaarkood ka soo yeereysa garab ka mida garabyada is haya iyo isu col dhurasho xooggan oo shaki gelin kara dadka ku hawlan nabadeynta galbeedka B/weyne.
Sooyaal;PP