Nin uu maraykanku raadinayay oo isu dhiibay Sirdoonka Soomaaliya

Muqdisho-(PP)-Sirdoonka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan wiil Soomaali Mareykan ah oo muddo toddobo sano ka hor ku biiray Al-Shabaab, kana yimid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Xasan looguna yeero  ururka dhexdiisa  Mujaahid Miski ayaa caan ku ahaa isticmaalka baraha bulshada, waxaa uuna dadka ku boorrin jiray in weerarro laga geysto Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibedda Mareykanka oo fariin Email ah u dirtay Wakaalada wararka ee AP ayaa lagu sheegay in Mujaahid Miski uu isu dhiibay ciidamada sirdoonka Soomaaliya 6-dii bishii November ee sanadkan.

Haweeneey u hadashay  waaxda arrimaha dibedda Mareykanka oo lagu magacaabo Pooja Jhunjhunwala ayaa xaaqiijisay in wiilkan Soomaali Mareykanka ah uu ku jiro mid ka mid ah Xabsiyada ay maamulaan sirdoonka Soomaaliya ee ku yaala Muqdisho.

Wiilkan lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Xasan ayaa ahaa da’da 17 sano jirka markii uu 2008 bishii August  ku biirayay ururka  Al-Shabaab ee Al-Qaacidda xiriirka la leh.

Xafiiska xeer ilaaliyaha mareykanka ee Minnesota ayaa Maxamed Xasan horay ugu soo oogay inuu ku lug leeyahay falal argagixiso,iyadoo  xafiiska FBI-da Mareykanka ee Minneapolis uu diiday inuu ka hadlo arintan wiilkan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Miski uu ka tirsanaa raggii dhowaan ku biiray Daacish,kuwaasoo ay  Al-shabaabna gu gacan sayshay heshiiskaas, waxaana maalmihii la soo dhaafay weerarro ka dhacay Jubada Dhexe iyo Jubada hoose lagu dilay saraakiil isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib taageero u ahaa dowladda Islaamiga ee ISIS.

Shalay ayay aheyd markii Nin Mareykan madow ah oo ka bar bar dagaalami jiray Al-Shabaab uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baraawe, waxaana ninkan uu magaciisa ku sheegay Maalik Abdisalam Jones oo ka soo jeeda Gobolka Maryland ee dalka Mareykanka.

Sooyaal;PP