Muqdisho oo uu maanta ka furmayo shirka wada tashiga

Muqdisho-(PP)-Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo shirka wada tashiga heer qaran ee looga hadlayo doorashooyinka sanadka 2016, waxaana kulanka ka soo qeyb geli doona dowladda Federaalka,Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano ururrada bulshada iyo beesha caalamka.

Shirkan ayaa looga hadlo doona nuuca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta sanadka 2016, iyadoo lagu soo bandhigi doono fikrad uruurintii laga sameeyay shirarkii ka dhacay gobolada dalka.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo madasha wada tashiga heer qaran iyadoo labada cisho ee uu shirka socdana looga tashanayo mustaqbalka Soomaaliya qaabka doorashada ay noqon doonto,dhagaysiga soo bandhigidda afkaarta kala duwan ee degaannada dalka iyo halka loo jiheynayo siyaasadda dalka waqtiga dhow.

Waxaa jirta kala aragti duwanaan u dhaxeysa xubnaha ka soo qayb galaya madasha wada tashiga qaran, iyadoo maamullada Puntland iyo Jubbaland ay qabaan in doorashadu  noqoto qaab degaan, halka ay Koofur Galbeed iyo Galmudug soo aaminsan yihiin in lagu saleeyo nidaamka 4.5.oo ah habka iminka wax lagu qaybsado.

Sanadka soo socda billowgiisa ayaa laga dhur sugayaa habka ay Soomaalidu xulato in doorasho lagu geli karo marka la gaaro bisha Augost 2016-ka,xilligaas oo uu waqtiga ugu egyahay dowladda haatan dalka ka arrimisa.

Sooyaal;PP