Kenya oo guddi u xil-saartay xabaal wadareed laga helay Mandheera

Mandheera-Kenya-(PP)-Masuuliyiinta maamul goboleedka Mandera ee dalka Kenya  ayaa wada dedaallo lagu xaqiijinayo xabaal wadareedyo lagu tuhunsanyahay dowladda oo laga helay duleedka magaalada Mandera.

Wafdi isku dhaf ah kana socda dowladda dhexe iyo kan gobolka ayaa shalay booqday halkii maalin ka hor laga helay xabaal wadareedka ay ka midka ahayd haweeneey ganacsata ahayd oo si xun loo dilay,

Guddoomiyaha gobolka Fedrik Shisia  ayaa sheegay in ay jiraan qabuuro kale oo ay ka shaki qabaan inay dad ku jiraan, isagoo ka dhawaajiyay in ay maanta maxkamadda ka qaadan doonaan fasax ay kusoo saaraan qabuurahaasi,si ay u xaqiijiyaan xabaalaha la tuhunsan yahay.

Ku xigeenka duqa  Mandera Cumar Saalax ayaa sharraxaad ka bixiyay waxyaabihii ay shalay soo arkeen, wuxuuna  ku tilmaamay arrintan mid argagax iyo murugo leh oo aan loo dul-qaadan Karin,ayna qaadi doonto masuuliyadda ciddii ay ku caddaato.

Cumar saalax ayaa sheegay iney taasi fududeysay markii la helay meydka haweeneyda  keliya ee ku jirta dadkan la xasuuqay taasoo ahayd hooyo haysata lix carruur ah laguna magacaabi jiray Isniino,waxaana la shegayaa in laga kaxaystay Arbacadii aynu soo dhaafnay goob ganacsi oo ay ku lahayd ka soo horjeedka masjidka Al-furqaan ee  magaalada Mandheera , taasoo xubanaheeda si xun loo jejebiyay intaanan godka lagu ridin.

Taliska ciidamada difaacada ee dalka Kenya ayaa beeniyay in ay wax lug ah ku leeyihiin xabaal wadareedyadaasi,markii lagu eedeeyay in ay iyaga dadkaasi laayeen kalana baxeen guryahooda iyo meheradaha,iyagoo sheegay iney tuhmanayaasha ay qabtaan ee la sii daayo ku biiraan ururka ay dirita ka dhaxayso ee Al-shabab.

Sooyaal;PP