Soomaali lagu eedeeyay weerarkii ka dhacay Maraykanka

USA-(PP)-Muwaadin Soomaali Mareykan ah kana tirsan ururka Daacish ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa weerarkii dadka badan lagu laayay ee dhawaan ka dhacay magaaladda San Bernardino ee carriga Mareykanka .

 
Telefishinka FOX NEWS ee laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa baahiyay in Muwaadin Asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalada dalka Mareykanka uu ku lug lahaa Weerarkii maalmo kahor ka dhacay magaaladda San Bernardino oo lagu dilay dad gaarayay 14-qof.

 
Mohamed Hassan, oo asalkiisu Soomaali yahay kana tirsan Kooxda Daacish ayaa la sheegay in uu xariir wanaagsan la lahaa lamaanayaashii dhawaan Weerarka ka fuliyay Dalka Mareykanka, waxaana baaris la sameeyay lagu ogaaday in uu jiro xariir dhax maray lamaanayaashaasi iyo Wiilkan Soomaalig ah.

 
Muwaadinkan Soomaaliga ah ayaa baaritaano ay sameeyay FBI-da Mareykanka lagu ogaaday in Kooxda Daacish uu ka yahay xubin muhiim ah oo u qaabilsan tashkiilinta dhalinyarada Jihaad doonka ah ee ku sugan Dalka Mareykanka.

 
Baaritaanno dhawaan lagu sameeyay guriga ay kuvnoolaayeen lamaayaashdii werarka ka fuliyay magaaladda San Bernardino, ayaa lagu ogaaday in uu jiray xariir ka dhaxeeyay lamaanayaashaasi iyo Mohamed Hassan uuna fikir ku lahaa Weerarkii ay fuliyeen.

 
Mohamed Hassan, oo ah Wiil Dhalinyaro ah ayaa kasoo tagay Dalka Mareykanka sanadii 2007-dii xiligaa uu ku biiray Dagaalyahanada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama, waxa uuna xiligaa kadib ku biiray kooxda Daacish uu hada katirsan yahay.

 
Sooyaal;PP