Puntland oo tahriibayaasha u digtay

Boosaaso-(PP)-Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa diniin adag ka soo saaray dadka magaalada Boosaaso ee gobalka Bari u taga inay kasii tahriibaan.

 
Gen;Cabdirisaaq Maxamuud Yusuf (Afgaduud) oo ah taliyaha Booliiska maamulka Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in marnaba aan la aqbli doonin tahriib ka baxa degaanada Puntland, gaar ahaan magaala xeebeedka Boosaaso.

 
“Tahriibku waa sharci darro, sharci baa ka yaalla, dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay caruurtiina ka ceshta tahriibka, sidoo kale waxaan leeyahay annaga tallaabo ayaannu ka qaadeynaa ciddii aan aragnaa iyada oo tahriib ah ama dad sii wadda” ayuu yir Taliyaha.

 
Taliye af-gaduud ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalka Bari inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii looga hor tagi lahaa dadka tahriibka ah ama iyagu wax sii tahriibiya.

 
Hadalkan ayaa imanaya xilli uu maamulka Gobolka Bari sheegayo iney qaati ka taagan yihiin dadka Oromada ah ee buux dhaafiyay magaalada,ayna qorsheynayaan iney ka saaraan kuwaasoo qaarkooda ka shaqaysta kuwo kalena doonaya inay ka tahriibaan.

 
Waxayna ciidamada Puntland heegan adag ugu jiraan sidii ay gacan bir ah ugu qaban lahaayeen dadka naftooda ku halaagaya badaha ama ka kireynaya doomaha jilicsan, kuwaasoo haddii la qabto la marsiiyo ciqaabo kala duwan oo ay musaafurintuba qayb ka tahay.

 
Sooyaal;PP