Muqdisho-(PP)-Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda federallka ah ee Soomaaliya ayaa dowlad goboleedaka Puntland ku wareejisay dawooyin qayb ka ah deeq boqortooyada Sucuudigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya oo loo qaybinayo maamullada kajira dalka.
Munaasabadda lagu wareejinayay dawada oo ka dhacday xarunta wasaaradda caafimaadka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta caafimaadka dowladda dhexe iyo maamulka puntland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya, Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa sheegay in wasaaradda iyo maamul-goboleedyada dalkuba ay iska kaashanayaan horumarinta caafimaadka bulshada.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, Cismaan Maxamed Daalo ayaa sheegay in dawada ay wareejiyeen ay tahay saamiga maamulka Puntland uu ku leeyahay deeqdan dawada ah .
Wasiir ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay boqortooyada Sucuudiga, wuxuuna ku ammaanay in had iyo goorba ay qayb weyn ka qaadato taageeridda dowladda iyo shacbigeeda,wuxuuna ka rajeeyay iney sii laba laabi doonaan dedaalka ay ugu jiraan taakulaynta dadka Soomaaliyeed.
Dawadan la guddoonsiiyay Puntland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cuspitaallada magaalada Gaalkacyo iyo degaannada ku xeeranba ay la ciir-ciirayaan dadkii ku dhaawacmay dagaalkii halkaasi ka dhacay dhawaan iyo bukaanno kale oo uu sameeyay barakaca.
Sooyaal;PP