Madaxda qaranka Soomaaliya oo Muqdisho laga sugayo

Muqdisho-(PP)-Waxaa saaka magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq la xiriira soo dhawaynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo ay wehliyaan madaxda Maamullada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo haanan ku sugan Gaalkacyo.

 
Safarka Mas’uuliyiintan ayaa la sheegayaa inuu salka ku haya ka qeyb galka shirka madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo lagu soo bandhigi doono doono fikrad uruurintii laga sameeyay gobolada dalka.

 
Shirarka looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadka ayuu hakad ku yimid,markii ay magaalada Gaalkacyo ku dagaallameen dhowaan maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ay ku mashquuleen xallinta dirirta halkaasi ka dhacday.

 
Aragtida shacabka ee la xariira doorashada ka dhici doonto dalka ayaa ah mid ay ku kala qaysan yihiin,waxanay Puntland iyo Jubbaland qabaan inay ku haboon tahay in lagu saleeyo hab degaan, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed-na ay soo jeediyeen in doorashada lagu saleeyo nidaamkii 4.5 kaasoo hadda dowladdu ku dhisan tahay.

 
Shirarka wada tashiga ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana looga arinsanayaa nooca doorasho ee dhici karta sanadka 2016,iyagoo ay qolo kastaa soo bandhigi doonto fekerka ay aaminsan tahay.

 
Sooyaal;PP