Baraawe-(PP)-Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Xuseen Max’ed Barre Jeex oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay In uu isku soo dhiibay sarkaal ajnabi ah oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.
Sarkaalkan oo ka soo jeeda dalka Maraykanka ayuu guddoomiyuhu sheegay inay ka soo kaxeeyeen xeebta magaalada,isagoo sheegay inuu ka soo baxsaday Ururka uuna doonayay inuu u galo dhinaca dowladda Soomaaliya.
Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya sarkaalka ka soo baxsaday Al-shabaab,iyo hadal ka soo baxay isla ururka oo ku aaddan ninkan ajanebiga ah ee ay dowladdu sheegtay inuu ka soo goostay.
Waxaa muddooyinkan dambe soo if baxayay qilaaf xooggan oo u dhexeeya Ururka, kaasoo salka ku haya markii ay xubno ka mida Al-shabaab sheegeen iney qayb ka yihiin shabakadda Daacish halka kuwo kalena ay ka soo horjeesteen,taasoo sababay inuu dhowr goor ku dhex maro koofurta dalka iska hor imaadyo uu dhiig ku daatay.
Sooyaal;PP