Golaha shacabka Soomaaliya oo maanta ka hadlaya hindise sharciyeedka sugidda xuduudaha

Muqdisho-(PP)-Golaha baarlamanka barlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inuu ka doodo hindise ku aaddan sugidda xudduudaha dalka oo maalmahan la sugayay.

 
Xildhibaan Maxamed Cumar, habdhowraha Barlamanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shirka ay mudanayaasha isugu imanayaan iney hor yaallaan laba ajande oo kala ah hindise sharaciyeedka sugidda xuduudaha dalka iyo kan Iibka Qaranka.

 
“Sharciga sugidda xaduuudaha Soomaaliya oo mari doono akhrinta koowaad iyo hindise sharciyeedka Iibka Qaranka oo geli doono akhrinta saddexaad ayaa maanta baarlamaanka u madlanyihiin, runtii sharciga sugidda xuduudaha waxaa si wada jir ah u soo diyaariyey Guddiyada Arrimaha dibadda, gudaha iyo difaaca ee Baarlamaanka, kuwaasi oo mid kood uu faah faahin ka siin doona golaha waxyaabaha ku saabsan hindise sharciyeedka sugidda xuduudaha” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

 
Hindisahan ayaa waxaa qayb ka ah turxaan bixinta qaabka loo wajahayo murannada ka yimmaadda dhulka iyo xudduudaha ay Soomaaliya la wedaagto waddamada jaarka ah oo ay tabasho badani ka jirto.

 
Sooyaal;PP