Gaalkacyo-(PP)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Madaxda Puntland iyo Galmudug inay tixgaliyaan heshiiskii laga gaaray colaaddii ka dhacday magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa ayaa madaxda labada maamul kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarka gobolka,xilli la soo gabagabeeyay inta badan hawlihii nabadeynta ee halkaasi ka socday.
Madaxda labada dhinac ayaa ku kulmay goobtii lagu dagaalamay,iyagoo taliyeyaashooda ciidamada faray iney qaataan wixii lagu heshiiyay,waxaana goobta ku sugnaa R/ wasaaraha iyo mas’uuliyiintii kula jirtay waan waanta,waxayna dhammaantood ka sheegeen iney rajo ka qabaan adkaynta qodobadii lagu heshiiyay.
Iyadoo lagu jiro dhammaystirka wada hadallada ayaa la sheegayaa in haatan uu madaxda labada maamul kulan ugu soconayo Koonfurta Gaalkacyo, kaasi oo qeyb ka ah heshiiskii la gaaray, waxaana ku wehliya shirkooda qaar ka mida madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.
Sooyaal;PP