Maalgashadayaasha caalamka oo diiradda saaray Soomaaliya

Muqdisho-(PP)-Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay hordhigtay waddamada daneeya maalgashiga fursadaha ka faa’iideysiga mudan ee dalka ka jira.

 
Mudane C/laahi Maxamed Nuur oo ka qayb galay shir looga hadlayay shir ku saabsanaa malgashiga waddamada qaaradda Afrika oo lagu soo gebagabeeyay magaalada London ee carriga Ingiriiska,ayaa intaa ku daray inuu muhiimad weyn u lahaa kulankaasi maaddaama beesha caalamka ay si weyn u danaynayso iney hantideeda ku aamminto dalalka qayraadka leh oo ay Soomaaliya ugu horreyso.

 
Qaar ka mida madaxda caalamka,wakiillada shirkadaha waaweyn ee dunida,iyo maal qabeenno ka soo qayb galay kulanka ayaa soo dhoweeyay iney is arkaan madaxda Afrika si ay ugu fududeeyaan hawlaha maalgashi ee qaaradda ka doonayaan.

 
Wasiiru dowlaha ayaa madasha shirka soo hor dhigay waxyaabaha uu dalku qaniga ku yahay ee la doonayo in la maalgeliyo sida Xoolaha,beeraha,kalluumeysiga iwm,waxanay ka qayb galayaashii kulanka aad ugu riyaaqeen hodantinimada Soomaaliya.

 
Soomaaliya ayaa ku horreysa qeyraadka kala duwan ee dabiiciga ah, kaasoo aan si buuxda looga manaafacaadsan,  waxanay dowladda dhexe dedaal ugu jirtaa sidii ay ku kasban lahayd maalgashadayaasha maxalliga iyo kuwa caalamka si dalka uu u gaaro isku filnaasho dhan walba ah.

 
Wakiillo ka socda Bankiga adduunka oo shirka qayb ka ahaa ayaa ballan qaaday iney Bankiga dhexe ee Soomaaliya caawin doonaan,si uu awood ugu sheego inuu si hufan ugu ula falgalo maal-gashiga shirkadaha kala duwan ee dalka ka hawl galaya.

 
Sooyaal;PP