Muqdisho-(PP)-Madaxweynaha Sommaliya ayaa danjireyaashaasi uga warramay xaaladda Gaalkacyo, wuxuu sheegay inuu dhowr jeer maanta khadka telefoonka kula hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid , madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug, dhammaantoodna ay rajo ka qabaan in degdeg dagaalka loo joojiyo.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiisadaha ka taagan Gaalkacyo ay dowladda dedaal weyn u gashey sidii loo xallin lahaa, taasi darteedna ay isaga iyo Ra’iisul Wasaarahana uga baaqsadeen shirar caalami ah oo ay dalka dibeddiisa uga qeybgeli lahaayeen.
“Kama daaleyno inaan xal nabadeed u raadino dagaalka Gaalkacyo, hase yeeshee waxaan madaxda maamullada kala duwan ee dalka iyo shacabkaba u jeedinayaa in isla xisaabtan uu jiri doono, mar dambena aysan dhici doonin in shacabka la waxyeeleeyo iyadoon cidna loo raacan,beesha caalamkana waxaan ka codsaneynaa inay gacan nagu siiso dadaallada aan wadno ee ku aaddan nabadda iyo inuu sharciga si buuxda u shaqeeyo’’, ayuu yiri Madaxweynuhu.
Mr Raisedon Zenenga, oo ah Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay dedaalka madaxda dowladda Federaalka ee ku aaddan xal u helista mashaqada Gaalkacyo ka aloosan,wuxuuna ballan qaaday in tallaabo kastee laguu xallinayo xaaladda iyo in lala xisaabtamo kuwa colaadda hurinaya ay beesha caalamka ka taageeri doonto dowladda Soomaaliya.
Madaxda beesha caalamka ayaa mar kale ku baaqday in xabbadda la joojiyo Wafdiga si deg deg ahan ay ugu hoggaansamaan heshiiskii nabadeed ee shaley lagu kala saxiixdey madaarka Gaalkacyo,iyagoo sheegay iney masuuliyadda dhibaatada dhacday ay qaadi doonto madaxda labada maamul.
Dagaalka Gaalkacyo ayaa maanta si kedis ah ugu qarxay goobihii ay ciidamadu isku hor fadhiyeen,xilli raja wanaagsan laga lahaa inuu dhaqan galo heshiis Afar qodob ka kooban oo ay labada dhinac wada saxiixeen.
Sooyaal;PP