Muqdisho-(PP)-Allaha u naxariistee waxaa goordhaw Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ku geeriyootay wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo katirsaneed Idaacada iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliya , oo maanta gaari ay wadatay Qarax loogu xiray.
Hindiya Xaaji ayaa u geeriyootay dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax loogu soo xiray Gaari nuuca raaxada ah oo ay wadatay xilli ay kasoo baxday Jaamacada SIU ee Magaalada Muqdisho oo ay wax ka baraneysay.
Hindiya Xaaji ayaa horay ugu soo dhaxday Liibaan Cali Nuur oo ay wada shaqayn jireen warbaahinta qaranka Soomaaliyeed,kaasoo lagu dilay qarax ka dhacay maqaayadda The Village ee magaallada Muqdisho sanada ka hor.
Marxuumadda ayaa ka soo shaqaysay warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Baydhaba gaar ahaan Idaacadda Warsan,waxayna warbaahinta qaranka ku soo biirtay wixii ka dambeeyay sanaddii 2010-kii.
Sooyaal;PP