Vienna-Austaria-(PP)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shir weyne looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa saboolnimada caalamka ka jirta oo lagu qabtey Magaaldda Vienna ee Dalka Austariya.
Guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha iyo warshadaha ee barlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo goob joog ka ahaa ayaa sheegay in ahmiyadda guud ay hayad sidii Wax looga qaban lahaa waddamada ay ka jirto saboolnimada iyo cunno yarida.
Madasha kulankan oo lagu go’aamiyay shir bishii Septembar ee sanadkan ka lagu qabtay magaalada New York ee dalka Maraykanka,kaasoo hal ku dhiggiisu uu ahaa “sidee dadka horumar dhan walba ah loo gaarsiin karaa”iyadoo haatanna diiradda lagu saarayay sidii loo xakamayn lahaa gaajada ka jirta meelo badan oo caalamka ah.
Shirka oo ay qaban qaabadiisu lahayd qaramada midoobay ayaa waxaa ka qayb galay 49 dal oo u badan waddamada saxaraha ka hooseeya ee qaaradda Afrika,kuwaasoo lagu tiriyo in ay ka jirto faqri iyo saboolnimo,waxana lagu qiyaasay in guud ahaan dakhliga qofka soo galaa uu ka yar yahey 1500 dollar sannadkiiba.
Waxaa qodobada laga soo saaray shirka ka mida la tacaalidda saboolnimda haysata dadka ku nool waddamadaasi,in loo helo cunno iyo nafaqo ku filan,dabar gooynta faqriga iyo raashiin laanta,in loo fidiyo daryeel caafimaad oo horumarsan,in loo nadiifiyo degaanka,in loo helo biyo iyo koronto joogto ah iyo in dadkan bandankood ay dhibaatooyinkan laga saaro 2030-ka.
Dhamaan waddamadii ka soo qayb galay ayaa waxay isla garteen in lagu dhaqaaaqo sidii loo hirgelin lahaa qodobbadaas,kuwaasoo la sheegay inay in lagu gaari akro horumar dhaqaale oo wax ku ool u ah dal kasta iyo dadkiisa intuba.
Sooyaal;PP