Mombasa-(PP)-Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa Kenya ayaa sagaal sano oo xarig ah ku riddaya Jermaine Grant oo ka soo jeeda waddanka Britain,markii lagu eedeeyay inuu xiriir la sameeyay Ururka Al-shabaab isla maraakan damacsanaa inuu weerarro ka geysto isla waddanka Kenya.
Grant ayaa laga soo qabtay 2011-kii guri ku yaalla magaalada Mombasa,iyadoo halkaasi laga helay qalab laga sameeyo bambaanooyinka iyo shaxda loo raaco habka miinooyinka laysugu xiro loona isticmaalo.
Qaaddiga maxkamada Mombasa ayaa sheegay in Grant uu la degenaa haweeneyda sida aadka ah loo raadinayo ee Samantha Lewthwaite ama carmaladda cad,taasoo ahayd marwada uu ka geeriyooday nin isku qarxiyay Astaan gaadiidka laga raaco magaalada London sanadkii 2005.
Maxkamada magaalada Mombasa ayaa ku heshay Grant sagaal dambi oo mid kamid ah uu yahay haysashada baasaboor Kenyan ah oo aan sharci ahayn iyo dambiyo kale.
Hase yeeshee qareenka u doodayay Grant ee Chacha Mwita ayaa ku tilmaamay xukunka mid aan sax ahayn kana qaadanayaan racfaan.
Kenya iyo Ingiriiska oo leh xiriir qoto dheer ayaa mararka qaarkood waxa soo kala dhex gala madmadoow ku aaddan la dagaallanka argagixisada,markii ay dhowr goor oo hore digniino ka siiyeen muwaadiniintooda u kala gooshidda labada dal.
Sooyaal;PP