Gaalkacyo-(PP)-Waxaa saakay deggen guud ahaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee caasiamadda gobolka Mudug,markii ay ku dagaallameen dhowaan ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Gal-Mudug.
Dadkii ay bara bixisay colaaddii halkaasi ka dhacday ayaa billaabay inay ku soo laabtaan guryahooda, markii ay shalay ay wada saxiixeen labada dhinac heshiis Afar qodob ka kooban oo uu soo diyaariyay ra’aysul wasaaraha Soomaaliya.
Guddida waan-waanta garabyadii ay dirirtu dhex martay ayaa lagu wadaa inay gelinka hore ee maanta kala qaadaan ciidamada is hor fadhiya kuna celiyaan goobihii ay kala joogeen dirirta ka hor.
Dhammaan xubnaha qaybta ka ah wada hadalka ayaa waxay wacad ku mareen ineyan ka soo tegin Gaalkacyo inta xal buuxa laga gaarayo xurgufta gacan ka hadalka dhalisay oo ay ku dhinteen ku dhowaad 40 ruux oo u badan dad rayad ah.
Sooyaal;PP