Britian oo safarrada ka xayirtay saraakiil Kenyaan ah

London-(PP)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa taageertay go’aankii ay dhawaan dowladda Mareykanka xayiraadda dhinaca safarrada ah ugu soo rogtay saraakiil Kenyaan ah oo lagu tuhmay in ay Musuqmaasuq iyo wax is daba marin sameeyeen.

 
Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday in Fiisaha waddankeeda ay u diideyso qaar ka mida masuuliyiinta Kenya, iyadoo ka gaabsatay in ay shaaciso magacyada shaqsiyaadka laga mamnuucay in ay booqasho ku tagaan dalkaasi.

 
Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah taageerada ay wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska u hayaan dowladda Kenya, si ay uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah xatooyada farsamaysan ama musuqa.

 
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa marar badan ka codsaday beesha caalamka in ay ku garab istaagto sidii uu dalka uga Cirib tiri lahaa dhaqdhaqaaqyada Musuqmaasuqa ee la degay laamaha kala duwan ee dowladdiisa.

 
Sooyaal;PP