Nairobi-(PP)-Shir lagu darsayo sida ugu habboon ee xilligan looga wada faa’iidaysan karo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Nairobi.
Kulanka oo socon doona saddex maalmood ayaa waxaa wada fulinaya dowladda Soomaaliya iyo Bankiga adduunka, waxaana ka qaybgalaya maamul-goboleedyada ka jira dalka iyo ilaa 30 qof oo loo tababarayo maamulka iyo wadaagga khayraadka dalka.
Wasiirka macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, oo daaha ka rogay shirka ayaa sheegay in waddanka uu leeyahay manaafacaad fara badan oo isugu jira dalag iyo batrool,kaasoo u baahan in laga faa’iideysto.
Mudane Mukhtraar ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uu oggolaanayo in dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyadeedu ay ka arrinsan karaan khayraadka dalka iyo sida loo wadaagi karo.
Sooyaal;PP