Qaramada midoobay oo soo saaratay tirada dadkii ka barakacay Gaalkacyo

New York-(PP)-Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadinimada qaramada midoobay UNOCHA ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay indagaalladii ka dhacay Gaalkacyo ay ka bara kaceen dad tiradooda lagu qiyaasay Afartan kun oo qof.

Xog uruurin ay sameeyeen ururrada maxalliga ee gobolka ayaa lagu ogaaday in caddad intaa la eg ay guryahooda ka carareen sida uu wakaaladda wararka u faafisa shiinaha ee Xinhua u sheegay isniinti aynu soo dhaafnay afhayeenka jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Stephane Dujarric.

Mr;Stephane ayaa sheegay inay xogtooda ku heleen inay dirirtii Gaalkacyo ku naf weyday dad gaaraya 30 qof,wuxuuna sheegay in hay’adaha aan dowliga ahayn ay gargaar caafimaad u fidiyeen dadkaasi,iyagoo ka caawiyay biyaha nadiifka iyo xagga nadaafadda.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo laga soo deyrinayo xaaladda qaar ka mida dadkii ka bara baxay magaalada Gaalkacyo,oo ay saamayn ku yeesheen roobabka iyo qabowda ka jira meelo badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan.

Sooyaal;PP