
Booliska Dowlada Federalka Somalia waxay halkan ka baafinayaan Said Abdlah Mohammed oo dhashay sanadkii 1980 ka dib markii la waayay taariikhdu markay ahayd 20/07/2009.
Booliska Muqdisho waxay sheegeen in saddex sano ka badan la raadinayay meel uu jaan iyo cirib dhigay Said Abdlah Mohammed oo ah aabaha dhalay 5 caruur ah , Islamarkaana ahaa ganacsade ka shaqeeya magaalooyinka Kismayo iyo Bu,aale ee Koonfurta Dalka Somalia.
Said Abdlah Mohammed ayay Boolisku ku sheegeen muuqaalkiisa nin timo gaaban oo dherarkiisu yahay ilaa 150cm, culeyskiisuna yahay 90kg , waxayna sheegeen booliska inaan lagu guulaysan in la helo ka dib baafin ay ku raadinayaan laga soo bilaabo 2011 ,2013 ilaa dhamaadka sanadkan 2015 oo ay sheegeen inay baafinayaan Said Abdlah Mohammed
Sidaas darteed boolisku waxay ka codsanayaan cidii aragta Said Abdlah Mohammed ama ku garanaysa meel uu joogo fadlan sida ugu dhaqsiyaha badan ula xiriir booliska Telefoonkooda 09076-22215
Muqdisho Somalia
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.