Taabid:-“Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho Wuxuu aaha Masiibo”,!!

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay waxaana uu sheegay in uu arkay dhibaato badan oo uu sababay qaraxaas.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka waxyeelada soo gaartay.

“Intii dhimatay Alla Ha’unaxariisto, laakiin dadka somaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool waxaan ka dalbanaya qof walbo in uu soo gaaro meeshan oo kaalin ka qaato, gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax alla waxaa itaal iyo agab heynay waa isugu keenay,waxaan codsaneynaa Hay’addaha amnigana waa in dariiqa lagu dhibin, cid walba oo maanta haysata baale ama cagacagaf ama dab damis waa in ay meeshan soo gaaraan, qofkasto awood leh ama dhakhtar ah meeshan ha soo gaaro”, ayuu Yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi Maxamed.

Inta la xaqiijiyay in ka badan30-ruux ayaa ku dhintay halka 70-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markiii gaari TM ah oo lagu soo xirey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST