SHIRKADDA BIYAHA EE AL NACIIM

jubba-stiker

Shirkadda AL NACIIM Water Company.

AL-NACIIM waa shirkadda ugu weyn ee biyaha sifeysa deegaanada Puntland, waxaana magaalada Garowe ee caasimadda Puntland laga asaasay sanadkii 1999, waxayna hadda waxsoosaarkeeda geysaa Gobolada Puntland iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Wax soo saarka Shirkadda:

1-Biyo sifeysan oo miisaaman oo nadiif ah oo loo isticmaalo dhamaan meheradaha iyo xaafadaha Garowe
Biyahan waxaa qaybiya baabuur kuu heegan ah 24saac iyo shaqaale adeeg hufan, waxaana booyada biyaha qaybiya loo adeegsadaa qalin ka samaysan si biyaha nadiifnimadooda loo ilaaliyo.

2- Biyaha caagadaha: Jubba Pure Mineral Water, kuwaas oo ah biyo ay soo saarto warshad casri ah oo ah nooc automatic ah. waxaana gacanta ku haya engineero cilmi u leh Factory Water, si loo helo biyo sifeysan oo macaan. Jubba pure mineral water waxa ay soo saartaa biyaha caagadaha oo kala ah
• Biyaha xafiisyada loo isticmaalo oo ay ugu weyn tahay 20Liter
• 1.5liter
• 750 ml
• 550 ml
• 380 ml
• 350 ml

3- Baraf loo qaybiyo xaafadaha iyo meheradaha oo laga sameeyo biyaha macaan, iyada oo ay jiraan baabuur gaar u ah oo u qaybisa qaab jimlo iyo tafaariiq ah. Waxay shirkaddu dadaal u gashaa in ay ka haqabtirto  baahiyaha baraf ee bulshada Garowe.

Shirkaddu waxa kale oo ay samaysaa caagado faaruq ah oo loogu talo galay ganacsatada xoolaha dhaqda in ay ku keydsadaan caanaha la geeyo Supermarket-yada iyo meheradaha  Garowe.

Maxa kale oo shirkadda muhiimad weyn u leedahay oo si mutadacnimo ah ay uga shaqaysaa xalinta dhibaatooyinka bulshada soo wajaha sida dabka ka kaca meherada iyo guryaha oo ay demiyaan booyadaha  biyayaha ee shirkadda AL NACIIM iyadoo ku guuleysatay meelo badan oo ay dhibaato dab ka dhacay caasimadda Garowe.

Shirkaddu waxa ay kale oo ay bixisaa biyo sadaqo ah oo ay siiso dadka abaaruhu saameeyaan.

Waxaad shirkadu waxa ay diyaar u tahay in ay kaa haqabtirto baahida biyo aad qabtid  goob walba iyo waqti walba caasimada Puntland.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir xafiiska warshadda qaybta Al-naciim ee ku yaal bartamaha magaalada wadada Sheikh Cabdisalaan (ex. Al-nasar)
tel: 843342
Mobile: 6794111

Qaybta warshadda weyn ee Jubba-da waxay ku taal kantaroolkii hore ee bari  ee caasimadda Garowe.
Tel: 843999
Mobile: 7794225

website: www.alnaciim.com
E-mail: info@alnaciim.com