Shaqo bannaan: weriye website-ka Puntland Post uga soo warrama Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya

This listing has expired.
  • Full Time
  • Mogadishu
  • Applications have closed

Website puntlandpost Puntland Post

News and information you can trust

Dulmar

  • Jagada: Weriye
  • Tirada Jagooyinka: 1 jago
  • Goobta: Muqdisho, Banaadir, Soomaaliya
  • Waqtiga kama Danbaysta ah ee soo Gudbinta Codsiyada: 20 Maajo, 2016 – 11:59 pm (Saacadda Geeska Afrika)

Hordhac

Puntland Post waa warbaahin madaxbannaan oo lagu aasaasay Copenhagen, Denmark sannadkii 2001, tan iyo waagaasna waxa aannu dadweynaha Soomaaliyeed ka haqabtiraynnay in si eex la’aan ah aan ugu soo gudbinno dhacdooyinka dalka Soomaaliya, wararka jaalliyadaha Soomaalida, soo gudbinta aragtida bulshada iyo xogaha wax walba oo quseeya umadda Soomaaliyeed.

Lixdii sanno ee u danbaysay warbaahinta Puntland Post waxa ay saldhigeedii u soo wareejisay gudaha dalka Soomaaliya waxana lagu soo kordhiyey wargeys toddobaadle ah iyo qayb shaqo-abuuris ah oo loogu talogalay isku-xirka shaqodoonaha iyo loo-shaqeeyaha.

Ujeeddada iyo himilada Puntland Post waa in ay warar la hubiyey u soo gudbiso dadweynaha ku xiran, sidaas darteed …

Qaybta website-ka ee Puntland Post waxaa loo rabaa weriye xaruntiisu tahay caasimadda Muqdisho oo warbaahinta uga soo warrama guud ahaan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaanna Xamar iyo gobolka Banaadir.

Shaqada weriyuhu qaban doono

  • Diyaarinta warar iyo warbixino qoraal ah.
  • Soo gudbinta dhacdooyinka sida tooska uga socda deegaannada shaqadiisa hoos yimaada.
  • In uu Puntland Post weriye ahaan ugu metelo shir-saxaafadeedyada iyo shirarka, xafladaha, munaasabadaha iyo dhacdooyinka warbaahinta lagu casumo.
  • Qaadista/duubista sawirrada, muuqaallada (video) iyo codadka, iyo tifaftirkooda.
  • Hubinta iyo xaqiijinta sugnaanshaha wararka uu soo gudbinayo.

Shuruudaha Shaqo

Waxaa qofka shaqadaan soo codsanaya looga baahan yahay in uu buuxiyo shuruudaha soo socda:

  • In uu leeyahay ugu yaraan 2 sano oo waayo-aragnimo warbaahineed ah.
  • In uu aqoon u leeyahay adeegsiga habka website-yada lagu maamulo ee WordPress.
  • In uu aqoon asaasi ah u leeyahay qorista iyo fahmidda afka website-yada lagu qoro ee HTML.
  • In uu dhowri karo uuna had iyo jeer tixgeliyo anshaxa warbaahinta.
  • In uu aqoon fiican u leeyahay adeegsanna karo barnaamijyada (software) lagu tifaftiro sawirrada, codadka iyo fiidyow-yada, sida Audition, Photoshop, Pinnacle Studio/Permiere ama barnaamijyada kale ee u dhigma.
  • In uu wax ku qori karo afafka Soomaaliga iyo Ingiriiska.

Habka loo codsanayo

Haddii aad shaqadaan daneynaysid waxaa lagaaga baahan yahay in aad Puntland Post u soo gudbisid:

  • Qofka aad tahay iyo taariikhdaada shaqo (CV).
  • Warqad aad shaqada ku soo codsanaysid aadna ku sharraxaysid sababta aad ugu malaynaysid in jagadaani kugu habboon tahay, iyo haddii lagu qaato horumarka aad Puntland Post ku soo kordhin kartid.
  • Haddii la heli karo liiska qoraallo iyo warbixino aad horey u diyaarisay.

Codsadayaashu waa in ay arjiyadooda u soo diraan Puntland Post ugu dambayn 20 Maajo, 2016 – 11:59 pm (Saacadda Geeska Afrika) iyaga oo codsigooda u soo diraya emailka:  pp@puntlandpost.com, cinwaanna uga soo dhigaya “Codsi: shaqo weriye Muqdisho ah”.