Mareykanka oo ka hadlay doorashada Galmudug

Dowladda Maryekanka ayaa ka hadashay doorashada khilaafku ka taagan yahay ee Galmudug.

Qoraal ay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho soo dhigtay barteedda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in doorashada Galmudug ay ka qayb galaan mucaadka.

Mareykanku waxa uu sheegay in hannaanka saxda ah ee doorashada Galmudug yahay in la aqbalo wadahadalka iyo isu tanaasulka.

Sidoo kale waxaa qoraal Mareykanka lagu sheegay in Safiir Donald Yamamoto uu la hadlay Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo ka mid ah dhinacyada diidan doorashada Galmudug.

“Hannaan siyaasadeed oo mid ah oo laga wada qeyb galo waa waxa u wanaagsan Galmudug, waana u muhiim mustaqbalka Soomaaliya. Mucaaradku waa inay qayb ka ahaadaan geedi socod lagu kalsoonaan karo. Hoggaanka saxda ahi macnaheedu waa aqbalaadda wadahadalka iyo isu tanaasulka” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

PUNTLAND POST