Magaalada Badhan oo maanta laga bilaabayo Diiwaan-gelinta Ciidamada Puntland

Wefdiga  uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ku sugan magaalada Badhan ayaa waxa kamid ah xubno ka tirsan Guddiga dib u-habaynta Ciidamada Puntland.

Xubnahaasi waxa kamid ah Guddoomiyaha Guddiga dib-habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Cabdisamed Maxamed Gallan iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere.

Mas’uuliyiinta Guddiga dib-habaynta Ciidamada oo qeyb ka ahaa wefdiga Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa halkaasi ka qaban doona Hawlaha diiwaan-gelinta Ciidamada ku sugan Gobolka sanaag.

Diiwaan-gelinta Ciidamada ku sugan Talisyada kala duwan ee magaalada Badhan ayaa la filayaa in ay isla maanta bilaabato  

PUNTLAND POST