Hay’adda IMF oo war ka soo saartay Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta aduunka, ayay ku sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka gudubtay dib u eegista labaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Hay’adda IMF, Waxa ay madaxda xukuumadda Federaalka ku bogaadisay sida ay xoogga u saarayaan dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqliga qaranka.

Dhinaca kale, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlaya warbixinta ay soo saartay IMF waxa uu yiri: Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya.

Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta Maaliyadda Dalka” ayuu yirri Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammaystiran

PUNTLAND POST