Booliiska Soomaaliya oo sheegay in uu xabsiga ka baxsaday Wasiir Janan

Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto. Sakiya Xuseen Axmed, ayaa maanta Shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday, Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) oo mudda 5 bilood ah magalada Muqdisho ugu xirnaa dowladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay, ayay ku sheegtay in Wasiir Janan uu saaka ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, islamarkaana ay ku raad-joogan hay’adaha Amniga, si gacanta mar kale loogu soo dhigo.

Gen. Sakiya, ayaa shacabka magaalada Muqdisho ka dalbatay, in ay laamaha Amniga soo wargeliyaan, haddii ay xog ka helaan Wasiirka xabsiga ka baxsaday ee Cabdirashiid Janan, oo sida ay xustay loo haysto denbiyo kala duwan.

Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan.” ayay tiri Gen Sakiya.

31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia.

6-dii October 2019, ayaa sidoo kale la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay denbiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa.

Wixii intaas ka dambaysay, Cabdirashiid janan waxa uu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ka hor inta aan maanta la shaacin, in uu xabsigaasi ka baxsaday.

PUNTLAND POST