Ayax guur-guuraya oo ku habsaday dooxooyin ka tirsan gobolka Nugaal

Ayax guur-guuraya oo ka soo gudbay dhinaca Bari ayaa ku habsaday dooxooyin kamid ah gobolka Nugaal.

Ayaxa ayaa maalin ka hor ku degay deegaanka Karin Dhiig oo u dhexeeya degmada Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal sida ay Puntland Post ka soo xigatay dadka degaankaasi.

Sidoo kale Ayaxa ayaa shalay ku degay Beeraha Shimbiraaley oo dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,  halkaasi oo markii dambe ay ka kiciyeen Beeraleyda degaanka, markii ay u adeegsadeen raasaas iyo taayiyo gubis.

Ayaxan ayaan la soo sheegin khasaare weyn oo uu u geystay degaannada gobolka Nugaal ee uu ku degay, maadaama bulshadu ay markiiba la-dagaallameen islamarkaana ka kiciyeen meelihii uu ku habsaday.

Ayaxa ayaa bilihii lasoo dhaafay dhibaato ku hayay gobollada Koofunta Soomaaliya, isagoona khasaare u geystay dadka beeraleyda iyo dhulka xoolo daaqsinka ah.

PUNTLAND POST