Roob dabaylo wata oo ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland

Sawir hore

Roob dabaylo xooggan wata, ayaa xalay ku dhuftay deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal oo ku teedsan xeebta Badweynta Indian Ocean.

Dabaysha ayaa garaacday xeebaha deegaanada degmada Qadiimiga ah ee Eyl, halkaasi oo la soo sheegayo in roobku khasaare kala duwan ka gaystay, inkastoo ay Isgaarsiintu ka go’antahay.

Dadka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, ayaa ka hor inta aan Isgaarsiintu ka go’in xalay, waxay soo sheegeen in uu ku bilowday roob dabayl xooggan wata, kaasi oo dumiyay qaar kamid guryaha ka samaysan jiingadda, halka qaar kalena uu saqafyada kala cararay.

Sidoo kale, dhulka miyiga ah ee ku yaalla bariga iyo koonfurta gobolka Nugaal ayaa la soo sheegayaa in roobku waxyeello soo gaarsiiyay qoysaska reer miyiga ah oo xoolaha qaarkood roobku ka laayay.

PUNTLAND POST