Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Soomaaliya oo warbixin ka soo saartay sicirka Suuqyada dalka

Wasaaradda Qorshaynta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay  warbixinta sicirka  suuqa ee October  iyo September 2019,taas oo qeyb ka ah  warbixinta bilaha ee sicirka suuqyada dalka.

Dhammaan Tusaha Sicirka Badeecadaha (TSB) bisha October 2019 ayaa noqday 116.25, marka la barbardhigo 116.07 ee bishii September  2019.

Isbedelka labada bilood u dhexeeya, October  iyo September  2019 ayaa hoos u dhacu gaaray 0.15% Markala barardhigo sare u kacii bishii hore ee September  2019 oo gaaray 0.57%.

 Bisha Oktoobar, sare u kaca isbedel bille ee Qiimaha Gaadiidkalagu raaco ayaa gaaray (+2.11%). Sare ukaca ugu badan ayaa ka yimid shidaalka iyo saliida gawaarida oo gaaray (+9.01%) (Jaantus 2).

Guud ahaan, sicir bararka 12kii bilood ee la soo dhaafay ee bisha Oktoobar 2019 ayaa muujinaya in dhammaan qeybaha TSB hoos u dhacay 4.15% ee heerka cabirka sicir bararka, Marka la barbardhigo 12 Bilood eebishii Sebteembar 2019 oo ahaa 5.17% .

PUNTLAND POST