Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kordhiyay cuna-qabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo kulan ku yeeshay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay, ayaa kordhiyay cuna-qabateynta  hubka ee saaran dalka Soomaaliya.

Golaha ayaa mudda hal sano ah ku kordhiyay, cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, gaar ahaanna hubka waaweyn oo ay ku jiraan madaafiicda, waxyaabaha qarxa iyo lidka diyaaradaha.

Waxaa kale oo ku jira noocyada kiimikada ee loo adeegsan karo sameynta qaraxyada, sidaa darteed waxaa dhammaan dowladaha Adduunka iyo muwaadiniintooda ka reebban inay ku lug yeeshaan iibinta iyo qaadista kiimikada kala duwan ee u socota Soomaaliya.

Hubka fudud oo ay ku jiraan qoryaha gacanta lagu qaato, ayaa isna  laga rabaa in ogeysiis la siiyo Guddiga Monitoring Group, ka hor inta aanay dowladda Soomaaliya soo iibsan.  Sidoo kale waxaa la sii xoojiyay  mamnuucistii saarneyd dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Qaraarkan lagu sii kordhiyay Cuna-qabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya, waxaa gudbisay dowladda UK, waxaana ka aamusay dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea, ka dib markii ay sheegeen in ay ku jiraan waxyaabo Xadgudub ku ah Xuquuqda Aadanaha.

PUNTLAND POST