Xildhibaanada Hirshabeelle “ha is casilo Madaxweyne Waare”

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in uu ku guul-dareeystay hogaaminta maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanadan oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa dhaliilay Madaxweyne Waare, waxayna sheegeen in Madaxweyne Waare aanu waxba ka qaban dhibaatooyin ka taagan Hirshabelle.

Maxamuud Siyaad Barqadle oo kamid ah Xildhibaanada Hirshabelle ayaa sheegay in sanadkan uu madaxweynaha yahay Mudane Waar aynan mooqan Waxqabad Muuqda.

Xildhibaanadka ayaa sheegay in Golaha wasiirada Hirshabelle tan iyo markii la magacaabay aanay waxba qaban isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uu joojiyay in ay kulmadaan Xildhibaanada.

Ugu dambeeyntii Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in Madaxweynaha uu is casilo, Khilaaf ayaa ka taagnaa baryihii ugu dambeeysay maamulka Hirshabelle.

Hoos ka dhageyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post