Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiray carwada bandhigga buugaagta Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray carwada bandhigga buugaagta Muqdisho oo lagu soo bandhigay buugaag ay leeyihiin qorayaal Soomaaliyeed oo dhallinyaro u badan kuwaas oo fikir, maskax, hanti iyo waqti geliyay sidii ay u qori lahaayeen buugaag waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khare ayaa ugu horayn u mahadceliyay qabanqaabiyayaasha bandhigga, dhallinyarada Soomaaliyeed ee qoraalka buugaagta isku hawlay, maskaxdoodana u shiilay si rajadaii dalka loosoo celiyo, waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay dadka aan Soomaalida ahayn ee kasoo qayb galay carwada bandhigga buugagta Muqdisho si ay goob joog uga ahaadaan is-bedelka muuqda ee dalku ku tilaabsanayo.

Ra’iisul Wasaare Khaye ayaa sheegay in carwada bandhigga Buugaata Muqdisho ay ka tarjumayso dawladnimada dhabta ah, dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo in Soomaalidu hurdada ka kacday, sidoo kale bandhiggu uu dhiiri gelinayo aqriska iyo qoraalka arinraas oo qayb muhiim ah ka qaadanaysa dhismaha dawladnimada iyo dagaalka loogu jiro yaranta Musuqa iyo qabyaaladda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in uu muuqdo horumar wayn oo dalkeennu uu sameeyay iyo tilaabo muhiim u ah kobaca wax curinta, dib u yagleelidda mustaqbalka, waxa uuna ugu baaqay qorayaasha Soomaaliyeed in ay sii wadaan qoraallada ayna taageeraan dhallinayrada da’da yar si maskaxdooda ay u shiilaan ummadda Soomaaliyeedna ugu faa’iideeyaan korna loogu qaado is-dhexgalka bulshada iyo aqoonyahannada, si ugu dambayn dhallinyaradu ay ula wareegaan mustqablaka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sameeyaan qoraallo dadka Soomaaliyeed oo dhan ay aqarin karaan ayna sidoo kale ka shaqeeyaan in qof waliba oo Soomaali ah uu wax qori karo si looga soo kabto soddonkii sano oo qoraalku hakadka galay, maadaama dal waliba uu ka fursad badanyahay dalalka kale ee dadkiisu uga wanaagsanyihiin aqriska iyo qoraalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa si uu uga qayb qaato dhiirri gelinta aqriska iyo qoraalka bulshada Soomaaliyeed waxa uu maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaarey ugu deeqay min boqol buug oo uu ka iibiyay qorayaal Soomaaliyeed oo kusoo bandhigay carwada bandhigga buugaagta Muqdisho.

PUNTLAND POST