Qaramad Midoobay oo war ka soo saartay beegsiga shabaab ee dhaqanka iyo Ergada

War kasoo baxay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee hay’adda Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay Al-shabaab sare u qaadeen dilalka ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho islamarkaana in ka badan 44 qofood lagu dilay siyaabo kala duwan.

Hay’adu waxay sheegtay in dadka la dilay ay u badnaayeen ergooyinkii soo doortay qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyo iyadoona bishii February ee sanadkii hore la bartilmaameedsaday 29 ruux oo qeyb ka ahaa doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday.

Dhinaca kale hay’ada ayaa carabawday in inka badan 14,000 oo kamid ahaa ergooyinkii soo dooranayay Xildhibaanada ay la kulmeen handadaad oo sida la sheegay ay kala kulmayeen Al-shabaab.

Toban kun oo ruux ayaa ku geeriyooday sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan Soomaaliya iyo dalka Kenya iyadoona tiro intaas kabadana ay isaga barakaceen.

Tan iyo sanadii 2011-kii dalka Kenya ayaa wajahaya dagaalo xoogan kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay usoo talaabeen Soomaaliya kuwaa oo qeybka ah howlgalka Midowga Africa AMISOM ee dowlada ka taageeraya la dagaalanka Al-shabaab halkaa oo ay intii ay ku sugnaayeen cidamadooda gudaha Soomaaliya uu dalka Kenya ka dhacay weeraro xoogan oo uu kamid ahaa weerarkii sanadii 2013kii lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westigate Mall iyadoona ay kugeeriyoodeen inka badan 67 qofood oo kusugnaa xaruntaasi.

PUNTLAND POST