Dagaalo dhex-maray Milateriga Soomaaliya iyo Al-shabaab


Muqdisho (PP) ─
Ugu yaraan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamay isugu jira ayaa ku dhintay iska-hori-maadyo dhawr ah oo gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray ciidamada millateriga Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Dagaalladan oo ahaa kuwo is-xig-xigay ayaa waxay ka dhaceen inta u dhexeysa deegaannada Lambar 50 iyo Shalaanbood oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ugu dambeyn ku itaal roonaaday ciidamadii millateriga Soomaaliya.

Millateriga Soomaaliya ee dagaalka la galay Al-shabaab ayaa waxay ahaayeen kuwo uu watay abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen. C/llaahi Cali Caanood oo haatan gaaray deegaanka Shalaanbood, halkaas oo la sheegay inay fariisimo ciidan ka sameysteen.

Sidoo kale, Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay doonayaan in ay weerarro ku qaadaan xoogag ka tirsan Al-shabaab, inkastoo warar aanan xaqiijin karin ay sheegayaan inay yihiin ciidammo uu la gadooday Jen. Caanood oo xilka laga qaaday dhawaan.

Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada millateriga Soomaaliya ay dagaalladan uga geeeriyoodeen illaa shan askari, ayna iyagu dhankooda dileen tobaneeyo Al-shabaab ah.

Balse, Shacabka ku nool deegaanada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa laga soo xigtay inay arkeen geerida 12-ruux oo isguu jira millateriga Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ee ay dagaalladu dhexmareen.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in kolonyo gaadiid ah oo ka tirsan kwua AMISOM oo iyaguna deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen marayay lala beegsaday qarax miino oo waxyeello gaarsiiyay mid ka mid ah gadiidkii ay wateen, inkastoo aysan khasaare soo gaartay ciidamadii gaadiidkan la socday.

Dadka rayidk ah ee deegaannadaas ku nool ayaa la sheegay inay soo gareen dhaawacyo kala duwan, inkastoo aysan jirin dhimasho, waxaana dagaalladan ay imaanayaan xilli isbedel lagu sameeyay taliska ciiadmada DF si loo xoojiyo baa la yiri sugidda amniga dalka.

Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa sheegay dhankiisa inay weerarro is-daba-jooga ah ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowaldda Soomaaliya ayna gubeen gaadiid dagaal askar badanna ku laayeen, inkastoo aysan sheegin tirada askarta ay dileen iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

PUNTLAND POST